mandag den 12. september 2011

Hawraar iyo Habeenkii Suugaanta Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Ubaxle)

Jawaabta Ragna Waa Raggii Hore Hadalna Waa Intuu Yidhi

Abwaan Cabdiraxmaan Ubaxle Iyo Aragtida Laga Qabo Suugaanta Dhalinyarada+Jawaabta Ragna Waa Raggii Hore Hadalna Waa Intuu Yidhi.
posted by: kayse galaydh


Abwaan Ubaxle Iyo Aragtida Laga Qabo Suugaanta Dhalinyarada+Jawaabta Ragna Waa Raggii Hore Hadalna Waa Intuu Yidhi. Waxay ahayd habeen haybad iyo farxadi ku dheehantahay dhalin yaradu waxay ku la bisnaayeen haldoorka huga ay labiska uxushaan iyagoo diyaar u ah xaflad xiiso badan oo lagu soo bandhigayey huteelka barwaaqo ee ku yaala Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer Ee Burco waxa sii bilayey hugooda qashaafadaha ku xidhan fagaarha Huteelka ee midabadu ku xardhanyihiin marka ay ilinka kasoo galayaan albaabka.
Waxay u riyaaqayeen kuna hamuumayeen dhagaysiga bandhig suugaaneedka Bahda Hal-Abuurka Howraar oo loogu magac daray Habeenka Hawraar iyo suugaanta C/raxmaan Maxa,ed Cali(Ubaxle).
Habka agaasinka iyo heemaalka ka ifaya munaasibadda lagu faro yaraystay waxa kugadaanaa hanaanka wajiyada quruxda badan ee dhalinyarada u heelan dhagaysiga xigmada iyo murdida mugga iyo miisaanka leh ee kasoo burqanaysa abwaanka da,da yar ee u soo bandhigayey suugaantiisa.
Bahda hal abuurka hawraar waxaa yagleeleen dhidibkana u taagey dhalin yarada hal abuurka ah ee ku nool Magaalda Burco horaantii sanadkii 2009ka.
Ø ka dib markii ay arkeen caqabadaha aan marnaba indhaha laga daahan Karin ee ku habsaday hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed ee ka siibaxaya kaalintii iyo qiimihii uu ku lahaa bulshada dhexdeeda.
Ø Markii ay arkeen xidhiidh la,aanta baaxada leh ee faraha baas ku haya abwaaniinta ,fanaaniinta iyo dhmaanba laamaha fanka iyo suugaanta.
Ø Markii ay ogaadeen baahida loo qabo mareg midaysa suugaanta somaliyeed dal iyo debedba.waxay dhalalinyaradu isla garteen inay xididada utaageen bahdani.
Mudadii ay bahdu dhisnayd waxay qoreen oo soo saareen buug suugaaneed lagu ururiyey silsilad maanseedkii Hoga-tusa oo ay hormuud ka ahaayeen xubnaha bahdani iyagoo is baray dhamaanba hal,abuurka da,yarta ah ee kunool magaaldani rag iyo dumarba sidoo kale waxay ku foogantahay halganna ugu jirtaa sidii ay usoo noolayn lahayd sumcadii iyo milgihii ay lahaan jirtay suugaanta soomaaliyeed taasoo ay mudooyinkan danba bulshadu wel wel iyo walaac ka muujisay tayadeeda.
Ereyadani waxaa si afthannimo ku dheehantahay ugu so badhigay taariikhda bahda marti sharafta xafladda ka soo qaybgashay Abwaan Kayse Maxamed Xuseen oo ah Gudoomiyaha Golaha Fulinta eebahdani.
Abwaan C/raxman Maxa,ed Cali(Ubaxle) waxa uu ku dhashay Tuulada Sibidhley oo ka tirsan Gobolka togdheer sanadii 1990kii suugaanta curinteeda wuxa uu bilaabay 2002dii isagoo ku balaysimay maanso ka hadlaysay maah maahaha oo uu ugu wanqalay(Maqal) isla sanad ka dib dagaalkii Ciraaq markii uu dhacay ayuu dhacdadaasi maansodiisii labaad ka curiyey intaa wixii ka danbeeyeyna suugaantiisu si is daba jooga ayey isu soo taraysay waxaanu hada leeyahay ku dhawaad 150 maanso oo isugu jira qaybaha badwaynta suugaanta.waxa sidan yidhi Ibraahi cabdi xirsi oo ay saaxiib yihiin Abwaan Ubaxle una dhuun daloola taariikhdiisa.
Habeenka loogu magac daray hawraar iyo suugaanta ubaxle ayaa waxa uu ku soo bandhigay maansooyin qiime iyo qaayo leh oo ay la dheceen dadkii goobtaasi isugu yimi.waxaana ka mid ahaa suugaantaasi————————————————————marti sharaftii madasha isugu timi oo ku bogaadiyey hawsha ay wadaan dhalin yaradani ayaa la dhacsanaa sida qiimaha leh ee loo soo agaasimay xaflada iyo suugaanta muga iyo miisaanka leh ee ay ku duugantahay xigmada.
“waa markii iigu horaysay ee aan aan arko dhalinyaro sidan ugu xeeldheer hal,abuurka maansada waxaanay sida runta ah igalisay ididiilo horleh inay kaalintoodii aanay wali gabin dhaliyaradu sababtoo ah waxa dhagahayga ka badatay “Ragna waa ragii hore hadala waa intuu yidhi”.oo siday indhihiinu arkayaan beenowday”ereyadan waxa si boholyowleh ugu hanbalyeynayey bahda hal,abuurka Mustafe Mawliid Axmed (Mustafe Cawo) oo ah macalin aad looga yaqaano magaalada burco kuna xeeldheer suugaanta.
“Laba jiil midwaliba waxa uu layaabanyahay ka kale sababtoo ah dhacdada sabankan xaadirka ah ee ka dhex aloosan suugaanta soomaaliyeed. Wiilka labaatan jirka ahi waxa uu layaabanan yahay ereyada qadiimiga ah ee afka soomaaliga iyo siday ufahmi la,yihiin suugaantooda hooyo,ninka afartan jirka ahina waxa uu laybaabanyahay labaatan jirkan gabyaya oo waagii hore ragu waxay ku gabyi jireen afartan jirka iyo wixii ka sareeya waxaana usabab ah colaadaha iyo caqabadaha ay la kaalin qaadeen facani. ‘hadaan gabayga uurkoo bukiyo arami kaakeenin
ama ololjacayl iyo xanuun kugu idbaaraynin
afkoo laga yidhaahdiyo tixuhu ararmayeeshaane”.
xubinta ay ku leedahay suugaantu umadaha caalamka iyo tan soomaaliyeedba ayaa waxa si qoto dheer uga faalooday abwaaniintii hore iyo xigmad murtiyeed koodii”. Abwaan Axmed Cabdi Xiri(Axmed Gaani) oo xubin ka ah bahdani.
“Hadii aanu nahay Nadiga Akhristayaasha Halkaraan waxa farxad wayn noo ah anagoo manta xafladeedii labaad joogna ee Hawraar oo aanu anagu daaahfurnay sadex bilod ka hor heerkaasna maraysa caawa.si farxadi ka ifayso waxaynu maqli jirayuu hadraawaa yidhi gariyaa yidhi ee caawa waxaynu leenahay ubaxlaa sidaa yidhi ayuu u hanbalyeeyey Cali dhuuc Cismaan Cali oo ah af hayeenka Naadiga Akhristayaasha Ee Halkaraan.
Xafladdii waxay ku gaba gabowday qiirada xasuusta leh iyo hilowga loo qabay suugaanta soomaaliyeed oo mudooyinkan danbe laga dayrinayeyey dayaca ka haystaa bulshadeena.
Umadaha dunida ku nooli shan arimood ayaa muqadas u ah oo lagaga sooca bulshooyinka kale ee caalamka kula nool sida Diinta,Luuqadda,dhaqanka,Midabka iyo Caadada. hadaba hadii aynu nahay bulshada soomaaliyeed ma buuxinay waajibkii iyo xurmadii ay la haayeen qodobadani ?. su aashan jawaab teeda waxa aan u dhaafaya akhristayaasha.

Reported by kayse galaydh
Email:kaysegalaydh@hotmail.com

Ingen kommentarer:

Send en kommentar